465 Views

Saraakiisha Turkiga oo sheegay inay meel u dhow xadka Giriiga ay ka heleen meydadka todobo qof oo kale oo tahriibayaal ah oo barafoobay.

Saraakiisha Turkiga oo  sheegay inay meel u dhow xadka Giriiga ay ka heleen meydadka todobo qof oo kale oo tahriibayaal ah oo barafoobay.
____________________________________________________________________________

Khamiis: February 3, 2022

 Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay inay meel u dhow xadka Giriiga ay ka heleen meydadka todobo qof oo kale oo tahriibayaal ah oo barafoobay.

Xafiiska barasaabka ee Edirne oo ku yaala xuduudka Turkiga ayaa sheegay in meydadkaan la helay ka dib dadaalladii baadi goobka iyo samatabbixinta ee maamulka Turkiga, kuwasas oo sidoo kale Arbacadii laga helay laba iyo toban meyd oo kale.

Turkiga ayaa ku eedeeyay ciidamada ilaalada xadka Giriiga in ay dadka dib ugu soo riixayaan xuduudka ay wadaagaan.

Hase yeeshee Wasiirka socdaalka Giriiga, Notis Mitarachi, ayaa ku gacan seyray eedeymaha loo soo jeediyay, isagoo geerida dadkaasi dhintay ku tilmaamay mid murugo leh.

Waxa uu sheegay in aysan waligood gaarin xadka, waxa uuna intaa ku daray in Turkiga looga baahan yahay in uu ka shaqeeyo sidii looga hortagi lahaa dadka tahriibayaasha ah ee galaya safaradda halista ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post