897 Views

Madaxweynaha Somaliland oo shaaciyey tirada dadkii ay karantiileen

Madaxweynaha Somaliland oo shaaciyey tirada dadkii ay karantiileen
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Isiin  , March 16, 2020 —Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa ka digay Khataraha Caabuqa Coronavirus iyo Qorshaha Xukuumaddu ka leedahay Ka hortagiisa.

 

Waxaa uu sharaxaad ka bixiyey Warbixintii u dambeysay ee ku aadan sida Somaliland uga digtoonaatey Cudurka Carona,waxaana uu sheegay in dhamaan xaduudaha laga soo galo Soomaalland ay Wasaaradda Caafimaadka ka wado baaritaano iyo hubin.

 

 

 

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Xubnaha Wasaaradda Caafimaadka ay karantiileen dad badan oo ku sugan deegaanada,Tukaraq,Yubube,Dhahar,Wajaale,Berbera,lowya-Cadde iyo Garoonka diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Soomalailand ay walwal ka qabto caabuqa Caronavirus sida dalalka Caalamka oo kale maadaama dalal kamid ah gobolka Geeska Afrika uu Cudurkaasi soo gaarey.

 

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Soomaaliland ay sii wadeyso sidii looga hortagi lahaa Cudurka Caronavirus,waxaana uu sheegay in dhamaan Madaxda Soomaaliland iyo Shacabka looga baahan yahay inay qaataan awaamiirta Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliland.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment