747 Views

Dowladda Mareykanka oo xirxirtey tiro baro internet ah oo ay leedahay Dowladda Iiraan

Dowladda Mareykanka oo xirxirtey tiro baro internet ah oo ay leedahay Dowladda Iiraan
____________________________________________________________________________

Arbaco : June 23 2021

Dowladda Mareykanka ayaa xirxirtey tiro baro internet ah, kuwaasoo lagu eedeeyey iney faafiyaan warar aan sal iyo raad laheyn.

Kuwo badan oo kamid ah barahan ayaa hawada laga waayey talaadadii, halkaasoo akhristayaasha looggu sheegay in barahan ay la wareegtaydowladda Mareykanka.

Barahan ayaa laga soo dhex muujiyey astaamaha hey’adda sirdoonka FBI-da, iyo wasaaradda ganacsiga ee Mareykanka.

Baraha internet ee lala wareegay waxaa kamid ah Press Tv iyo al-Masirah Tv, kuwaasoo ay maamulaan Xuutiyiinta.

Talaabadani ayaa kusoo beegmeysa iyadoo xiriirka Mareykanka iyo Iiraan uu aad u sii xumaadey, maadaama ay isku maan dhaafsan yihiin dib boor ugga jafidda heshiiska Nuclear-ka.

Wasaaradda caddaaladda Mareykanka, ayaa intaa ku dartey iney la wareegtay 23 bar oo internet-ka ka hawl gala, kuwaasoo ay maamulaan television-nada iyo radio-yada ay leeyihiin jamhuuriyadda Islamic-ga ee dalka Iran.

Waxaa kaloo jira saddex barood oo kale, oo iyana ay maamulaan ururka Hizbullah, sida ay soo tabisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post