4695 Views

Galmudug oo xukun ku riday wariye ka hawlgala Dhuusamareeb

Galmudug oo xukun ku riday wariye ka hawlgala Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Sebteembar 30, 2018 —Maxkamadda darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ee maamulka Galmudug ayaa xukun xabsi ah waxa ay ku riday wariye Maxamed Cabdiweli Tooxow oo ka mid ah wariyeyaasha ka hawlgala magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Maxkamadda ayaa wariyahan ku eedeysay inuu baahiyay warar qalqal gelinaya amniga, inuu baahiyay in Al Shabaab ay yimaadeen degaanka Bulacle oo 30-KM u jira magaalada Dhuusamareeb iyo inuu baahiyay in ciidanka Galmudug ay qabteen askar ka tirsan ONLF oo uu sheegay in maamulka uu ku wareejiyo Itoobiya.

Maxkamadda ayaa markii ay dhageysatay dambiyada xeer ilaaliyaha ciidanka qalabka sida uu ku soo eedeeyay iyo qiraalka eedeysanaha oo qirtay dhammaan dambiyada lagu soo eedeeyay, waxay ku xukuntay wariye Maxamed Cabdiweli Tooxow Lix bilood oo xabsi ah.

Xukunsane Maxamed Cabdiweli Tooxow ayay maxkamaddu sheegtay inuu heysto fursad kale, hadii uusan ku qancin xukunka maxkamadda darajada Koowaad.

Ehelada ninkan ay maxkamaddu xukuntay ayaa waxa ay sheegeen in aysan ku qanacsaneyn xukunka maxkamadda, islamarkaana ay ka qaadan doonaan racfaan.

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment