2139 Views

Somaliland oo sheegtay in ay sii deysay 14 sano jir lagu qabtay dagaalkii Tukaraq

Somaliland oo sheegtay in ay sii deysay 14 sano jir lagu qabtay dagaalkii Tukaraq
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 28. 2018 –  Maamulka Somaliland ayaa sheegay in ay sii daayeen wiil dhalinyaro ah oo ka tirsanaa ciidamada Puntland,kasoo lagu qabtay dagaalkii maalmihii lasoo dhaafay ka socday degaanka Tukaraq.

Taliyaha ciidamada Somaliland iyo Wasiirka Difaaca Somaliland ayaa sheegay in wiilkaasi yar ay sii daayeen,islamarkaana ay ku wareejiyeen hooyaddiisa oo lagu Magacaabo Sacdiya Cabdi Maxamuud.

Somaliland waxa ay sheegtay in wiilkaasi da’diisu ay tahay 14 sano jir.

Somaliland waxa ay sheegtay in ay sii deyn doonto cidwalba oo dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Tukaraq lagu qabtay,kuwaasoo ah Carruur iyo waayeel.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Puntland oo ku aadan hadalkaan kasoo baxay Somaliland ee ah in ay sii daayeen wiil yar oo ay ku qabteen dagaalkii Tukaraq.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment