786 Views

Hir-Shabeelle oo sheegtay in Shabaabkii ugu badnaa u soo guureen degaannadooda

Hir-Shabeelle oo sheegtay in Shabaabkii ugu badnaa u soo guureen degaannadooda
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 07, |  2020—Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ay wehlinayaan kuwa ka tirsan booliska Hir-Shabeelle ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo ka wadaan degaano hoostaga degmada Balcad, iyaga oo la sheegay inay la wareegeen Tuulada Basra oo ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa sheegay in u jeedka howlgalalda ay yihiin sidii loo xaqiijin lahaa Amniga wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ka hor inta aan la guda gelin doorashooyinka Hir-Shabaab.

Wasiirka oo la hadlay Idaacadda Voa-da ayaa waxaa uu sheegay in Xubno ka tirsan Ururka oo culeys ciidan laga soo saaray Gobolka Shabeellaha Hoose aawgiis ay soo buux dhaafiyeen degaannada Hir-Shabeelle gaar ahaan kuwa ku dhow dhow degmada Balcad.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daro howlgallada ay noqon doonaan kuwa sii socda, sidoo kalena degaannada ay Ciidamada Dowladda la wareegeen ay sii joogi doonaan si degaannada kale uga saaraan.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post