897 Views

Puntland oo xukun ku riday Dhalinyaro loo heysto Burcadnimo

Puntland oo xukun ku riday Dhalinyaro loo heysto Burcadnimo
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 11 , 2019 | QOL |   –Maxkamadda Darajada 1aad ee Gobolka Bari ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday dhalinyaro lagu eedeeyey inay dhacayeen Mobelada,kuwaas oo lagu soo qabtay howlgal laga sameeyey Boosaaso.

 

Dhalinyaradaan oo tiradooda gaareyso Afar ayaa waxaa Maxkamada ku wareejiyey taliska Ciidanka Booliska Gobolka Bari Puntland oo sameeyey howlgalka lagu soo qabtay,isla markaana Maxkamadda ay ku xukuntay dhowr sano oo Xabsi ah.

 

 

 

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa uga digey dhalinyarada Boosaaso ka wada dhaca Mobeelada,isaga oo Waalidiinta ugu baaqay inay la socdaan dhibaatada ay Carruurtooda ay ka wadaan Gudaha Magaalada Boosaaso.

 

Dhinaca kale Taliska Booliska GobolkaBari ayaa meel fagarao ah waxaa ay ku burburiyeen dhalooyin Khamri ah oo Ciidamadu ay horay uga qabteen Ciidamada Koontoroolka Magaalada Boosaaso.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment