1215 Views

Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Wax Ka Bedel Lagu Sameeyay Hindise Sharciyeedka Hanti Dhowrka

Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Wax Ka Bedel Lagu Sameeyay Hindise Sharciyeedka Hanti Dhowrka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Jannaayo 14, 2019 —Waxaa Xarunta Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho ka socda kulanka caadiga ah ee Golaha Shacabka,hayeeshee maanta ka xasaasisan kulmadii hore ee Golaha.

170 Mudane ayaa goobjoog ka ah,waxaana shir guddoominaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cadiraxmaan,waxaana Ajandaha kulanka Maanta uu yahay u codeynta Hindise Sharcigeed ka wax ka badalka Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka.

Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay wax ka bedel lagu sameeyay hindise sharciyeedka hanti dhowrka guud ee Qaranka.

163 xildhibaan ayaa ogolaaday, waxaa diiday 13 xildhibaan, wax ka aamusay malahan.

Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal ayaa sheegay inuu ansax yahay wax ka bedelka lagu sameeyay hindise sharciyeedka hanti dhowrka guud ee Qaranka.

Xildhibaanada ayaa dood adag ka yeelan doonaan Xeer Maamul Xulidda Guddiga Agaasinka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment