663 Views

Somaliland oo ku dhawaaqday tallaabo ka dhan ah dadka abaabulaya banaanbaxyo

Somaliland oo ku dhawaaqday tallaabo ka dhan ah dadka abaabulaya banaanbaxyo
____________________________________________________________________________


Arbaco: August 3, 2022

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa shir guddoomiyey kulan ku saabsan xoojinta Amniga, Isu xogwaraysi, wada shaqaynta laamaha kala duwan ee Amniga,maamulka Degmooyinka Caasimada iyo Badhasaabka Gobolka,kaasoo ka qabsoomay Hoolka shirarka ee Wasaaradda Arimaha Gudaha.

Shirkan waxaa ka qayb galay oo Wasiirka ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Salebaan Yusuf Cali Koore, Wasiir Kuxigeenka Amniga ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Cabdilaahi Xuseen Maxamed iyo Saraakiisha Ciidan Booliska Somaliland, oo uu horeeyo Taliyaha Ciidanka Booliska S/Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) iyo Kuxigeenkiisa.

Sidoo kale, shirkan waxaa  ka qayb galay Maayorka Caasimada Cabdikariim Axmed Mooge Mooge, Guddidiisa fulinta iyo Gudoomiyayaasha Degmooyinka Caasimada Hargeysa.

Dhinaca kale, kulankan waxaa ka soo qayb galay Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Xeebaha S/Guuto Axmed Hurre Haariye, Taliyaha Ciidanka Sirdoonka Qaranka Faysal Guhaad Cabdi, Taliyaha Ciidanka Dab-damiska S/Guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili), Guddoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Maxamed Cilmi Axmed, Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Maroodi Khadar  Baaruud iyo saraakiil sar sare.

Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd adkaynta nabadgelyada, taasoo ah mid ay markasta u xilsaaran yihiin laamaha ammaanka ee kala duwan.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa faray Hay’adda amniga in ay tallaabo ka qaadaan cidkasta oo isku dayda in ay waxyeelayso ama khalkhal geliso xasiloonida iyo nabadgelyada Somaliland ku naaloonayso, taasoo ah mid aan ciyaar ku iman ee ku timid dedaal iyo naf hur.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post