2022 Views

Soomaaliya: 2.5 Malyan oo qof oo wajahaya cunno yari iyo biyo la’aan

Soomaaliya: 2.5 Malyan oo qof oo wajahaya cunno yari iyo biyo la’aan
____________________________________________________________________________

Muqdisho Qol  March 14  2021

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 2.5 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya ay la daalaa dhacayaan dhibaatooyin ka dhashay abaaraha iyo caabuqa Covid-19.

Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in abaaraha iyo biyo la’aanta ay uga si dareen xaaladda banii’adanimo ee ka taagan Soomaaliya.

“2.5 malyan oo qof oo Soomaali ah ayaa u nugul oo wajahaya cunno yari, biyo la’aanta ayaxa iyo caabuqa..xaaladda banii’aadinimo ee jirta oo sii kordheysay, roobabkii oo yaraaday waana sababta keentay cunto yarida iyo biyo la’aanta”

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegtay xilli maanta ay shir ku qabteen Muqdisho wasiiro ka tirsan xukuumadda oo ka warbixinayay saameynta abaaraha.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post