762 Views

Galmudug & Hir-Shabeelle oo heshiis dhex-dhigay laba Beelood

Galmudug & Hir-Shabeelle oo heshiis dhex-dhigay laba Beelood
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL October 25|  2020
—Saraakiisha Ciidamada Booliiska Maamulada Hirshabelle iyo Galmudug, ayaa ka qayb galay heshiis nabadeed oo ay deegaanka bacda ee duleedka degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan  ku gaareen laba beelood oo dhawaan dhex-amaray dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac.

Odayaasha labada Beelood ayaa waxaa ay ku heshiiyeen in mudo bil ay lagu bixiyo diyada dadkii ku dhintay dhacdooyinkii dhacay todobaadkii hore, sidoo kalena la ilaaliyo nabada oo laga fogaado wax kasta oo keeni kara in ay soo laabtaan dilalka aanooyinla qabiil.

Saraakiisha ka socotay Ciidamada Booliska ee Dowlad goboleedyada Galmudug & Hir-shabeelle ayaa faray labada dhinac inay dhaqan geliyaan heshiiska ay gaareen si dadka ku nool degaannada lagu dagaalamay ay nabad ugu wada noolaadaan.

Tuulooyin hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa dhowr jeer kusoo laab laabtay colaad beeleedyada, kuwaas oo sababay in boqolaal qoys ay barakacaan.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post