357 Views

Tahriibayaal ay Soomaali ku jirto oo laga soo baadbiyay badda

Tahriibayaal ay Soomaali ku jirto oo laga soo baadbiyay badda
____________________________________________________________________________

Isniin: July 25, 2022

Ku dhawaad 1,200 oo muhaajiriin ah oo aan heysan wax sharci ah ayaa saacadihii ugu dambeeyay gaaray dalka Talyaaniga, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

Muhaajiriintan oo ka kala yimid dalal dhowr ah oo ku yaalla Asia, Afrika iyo Bariga Dhexe, ayaa ka degay dekado ku yaalla xeebaha Sicily.

Mas’uuliyiinta waxay sheegeen in 674 qof laga soo badbaadiyay xeebaha Calabria halka ay badda kasoo saareen 5 meyd ah.

Muhaajiriinta ayaa ku safrayay mid kamid ah doomaha kalluumeysiga taas oo la saaray dadka ka badan xaddiggii loogu talagalay.

Dadkan lasoo badbaadiyay waxay kamid ah tahriibayaal kasoo jeedo Soomaaliya. Afghanistaan, Suudaan iyo Itoobiya.

Waxaa sidoo kale xeebaha Lampadusa sabtidii la geeyay dad gaaraya 552 qof oo laga soo badbaadiyay ilaa 15 doomood.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post