489 Views

Madaxweynaha Sri Lanka oo ku dhawaaqay xaalad degdeg ah

Madaxweynaha Sri Lanka oo ku dhawaaqay xaalad degdeg ah
____________________________________________________________________________


Talaado: April 5, 2022

Madaxweynaha Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa, ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah, ka dib mudaaharaadyo rabshado wata oo ka dhashay qalalaasihii dhaqaale ee ugu xumaa oo dalkaasi soo mara tobankii sano ee la soo dhaafay.

Madaxweeyne Rajapaksa,  ayaa go’aankan ku sheegay  inuu u qaatay danaha guud ee amniga dalka, ilaalinta nidaamka iyo ilaalinta agabka iyo adeegyada aasaasiga ah.

Sida ay baahisay Warbaahinta gudaha dalkaasi ka hawl gasho 54 qof ayaa loo xiray rabshado Jimcihii shalay ka dhacay bannaanka guriga madaxweynaha.

Intii ay socdeen Rabshadahan ka dhashay  shidaal yari, qiimaha nolosha oo sarreeya iyo koronto la’aanta, ayaa waxay waxyeello u geysteen hanti dadweyne iyo gooba lagu bixinayay adeegyo shacab.

Wasiirka caafimaadka Sri Lanka Kehelia Rambukwila,  ayaa sheegtay in dibadbax ka dhacay bannaanka guriga madaxweynaha uu isu beddelay rabshad, kaddib markii dibadbaxayaashu ay dhagxaan ku weerareen xarumaha booliiska, kuwaa oo sidokale dab qabadsiiyeay Gaadiid kala duwan.

Dhanka kale, isbahaysiga 11-ka xisbi ee dalkaasi, ayaa ku booriyeen madaxweeyne Rajapaksa, inuu kala diro golaha wasiirrada uuna soo dhiso xukuumad ka kooban Xisbiyada dalka, si wax looga qabto dhibaatada taagan.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post