2835 Views

Sawiro:-Gar Gaar Maanta Lagu Wareejiyey Dowlada Soomaaliya

Sawiro:-Gar Gaar Maanta Lagu Wareejiyey Dowlada Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL |  10 Oktoobar, 2017 – Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha  Soomaaliya Danjire Madeira, ayaa sheegay in Deeq ka kooban Bariis, Sokor, Digir, Saliid iyo noocyo kale oo Raashin ah ay ku wareejiyeen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, isagoo guddoonsiiyey Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee XFS, Mudane Maxamed Macalin.

Danjire  Fransisco Madeira, Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha  Soomaaliya ayaa sheegay in deeqaan ay ka timid Midowga Afrika, waxaana uu xusay in  loogu tala galay in lagu caawiyo dadka abaaraha ay saameeyeen ee ku nool gobolada dalka Soomaaliya.

Danjre Madeira ayaa Barrtiisa Twitter-ka ku qoray in deeqda ka timid Midowga Afrika ee loo soo diray Soomaaliya ay tahay 67 tan,  Qarash ahaana ay ku baxday Lacag dhan 100,000 oo Lacagta Mareykanka ah, isagoo tilmaamay in Midowga Afrika  ay ka go’an tahay garab istaaga Ummadda Soomaaliyeed.

01 02

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment