828 Views

Dooni ay la socdeen dad ay Soomaali ku jiraan oo ku degtay Xeebaha Libya

Dooni ay la socdeen dad ay Soomaali ku jiraan oo ku degtay Xeebaha Libya
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 27 2020—Muhaajiriintaan la soo badbaadiyay  oo tiradooda lagu sheegay ilaa 22 ayaa waxaa ku jiray Soomaali, waxaana la badbaadiyay xilli ay doon ay saarnaayeen kula qarqantay badda Mediterranean-ka ee ka baxsan xeebta Libya.

Jimciyadda Caalamiga ah ee Socdaalka ayaa shaacisay in dadkaan ay doonayeen inay galaan wadamada Yurub, hayeeshee ay dhacdadaan la kulmeen,waxaana badbaadiyay kalluumeysato u dhashay dalka libiya oo arkay doonta la degtay.

Doonta ku degtay Xeebaha Libya ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 16 ruux halka 13 kale weli la la’yahay, waxaana muhaajiriinta saarnaa ay u kala dhasheen dalalka, Suuriya, Soomaaliya, Bangaladesh, Ghana iyo Masar.

Ciidamada ilaalada Xeebaha dalka Libya ayaa helay Meydadka Saddex Ruux oo kamid ah dadka ku dhintay doonta la qarqantay, waxaana dadkaasi ku jira haweeneey u dhalatay dalka Suuriya.

Saraakiisha Ciidamada ilaalada Xeebaha dalka Libya ayaa shaaciyay inay suurtagal noqon karto inay kordhaan dadka ku dhintay doontaas, maadaama weli ay socdaan baaritaano ku aadan dadka ku waxyeeloobay shilkaas.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post