1233 Views

Sawirro:-Aas Qaran Oo Muqdisho Loogu Sameeyay Amb. Kiimiko

Sawirro:-Aas Qaran Oo Muqdisho Loogu Sameeyay Amb. Kiimiko
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 08, 2019 –Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), wasiirro, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin  kale ayaa maanta Salaadda Janaasada ku dukaday maydka Allaha u naxariistee Amb. Maxamed Warsame Cali Kiimiko, oo maanta Muqdisho laga soo dejiyay.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo dhammaan mas’uuliyiintii kale ee ka qayb galay aaska ayaa marxuumka Allah uga baryay in uu u naxariisto.

Salaadda kadib ayaa Marxuumka lagu aasay Qabuuraha Isbitaal Madiina ee magaalada Muqdisho.

 

Amb. Maxamed Warsame Cali oo maalma ka hor ku geeriyooday dalka Kenya ayaa ahaa shakhsi aqoon, karti, hufnaan iyo daacadnimo ku suntanaa. Waxa uuna qayb waqtigiisa kamid ah ku qaatay u adeegidda shacabka Soomaaliyeed isaga oo danjire ka noqday dalal badan, kana mid ahaa aasaasayaashii, Maamulka Galmudug, isaga oo noqday Madaxwaynihii ugu horeeyay ee Galmudug.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment