762 Views

Shirkadaha bixiya adeegga Korontada ee kala Beco, Blue SKY iyo Muqdisho Power oo sheegay Qiimo kordhin

Shirkadaha bixiya adeegga Korontada ee kala Beco, Blue SKY iyo Muqdisho Power oo sheegay Qiimo kordhin
____________________________________________________________________________

Talaado: March 15, 2022

Shirkadaha bixiya adeegga Korontada ee kala Beco, Blue SKY iyo Muqdisho Power ayaa maanta shaaciyay in ay kordhiyeen qiimaha korontada waxayna sababtu ku sheegeen in shidaalku qaaliyoobay.

Shirkadaha oo kamid ah hay’adaha bixiya adeeg dadweyne kuwa ballaaran ee ka jira Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho ayaa waligood ka qayb qaadanin gurmadka xiliyada adag.

waxayna go’aanka ay maanta qaateen ku soo aaday iyadoo dadka Soomaaliyeed ay wajahayaan marxaladii ugu adkeyd ee dhanka bini-aadinimada.

Kumanaan kamid ah Bulshada Soomaaliyeed ayaa wajahaya gaajo iyo harraad waxaana meelaha qaar la soo weriyay in ay dhinteen dad badan.

Beco, Blue sky iyo Muqdisho Power oo aan looga baran gurmadka Bulshada ayaa go’aankooda waxa uu halis gelin doonaa nolasha reer Muqdisho oo ladaala dhacaya sicir barar xoogleh.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post