2622 Views

Saraakiil loo xir xirey qarixii Itoobiya

Saraakiil loo xir xirey qarixii Itoobiya
____________________________________________________________________________

Muqdisho , 24 Juunyo, 2018:–Sidda ay shaacisay Warbaahinta Xukuumadda Ethiopia ayaa xirxirtey ilaa iyo 12 qof oo 9 ka mid ah ay yihiin saraakiil iyo saddex qof oo Shacab ah.

Saraakiisha booliiska ayaa loo haystaa inay ka hortagi waayeen weerarkan qarax ka hor intuusan dhicin.

Saddexda qof ee shacabka ah ayaa 2 ka mid ah ay yihin haween iyo nin, la sheegay in laga qabtey goobtii qaraxa.

Guud ahaan dalkaasi ayaa galey jahwareer markii qaraxa shaley lala beegsadey Isu soo bax uu ka hadlay Raysalwasaaraha dalkaasi Abiy Ahmed.

Waxaa hawada laga saarey dhowr TV oo gudaha ah waxaana dhacay howlgalo sugid amni ah.

Dhinaca kale Raysalwasaaraha dalkaasi Abiy Ahmed ayaa booqdey Isbitaalada la geeyey tobonaan dad ah oo dhaawacyo kala duwan qabo oo 15 ka mid ah ay liitaan.

 

Sidda ay xaqiijiyeen ilaha Ammaanka waxa sidoo kale xabsiga la dhigay taliye ku xigeenkii Ciidamada Booliska dalka Itoobiya.

 

 

 

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment