576 Views

Madaxda dalalka G7 oo diiday in Lacagta Ruushka ay ku iibsadaan Shidaalka

Madaxda dalalka G7 oo diiday in Lacagta Ruushka ay ku iibsadaan Shidaalka
____________________________________________________________________________


Talaado: March 29, 2022

Hogaamiyayaasha todobada wadan ee aduunka ugu qanisan ee loo yaqaan G7 ayaa diiday dalabka Ruushka ee ahaa in lacagtiisa oo kaliya uu ku iibin doono Gaaska iyo Saliida laga soo saaro dalkaasi. 

Wadamada G7 ee France, Germany, Italy, Japan, UK, US iyo Canada sheegay in Amarka Madaxweynaha Ruushka, Vladamir Putin ee ah in lacagta Ruble-ka Tamarta lagu iibsado uu jabanayo Qandaraasyadii hore loo galay. 

Madaxweynaha Ruushka ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqay in Ruushku uu doonayo in dalalka “aan saaxiibka ahayn” ay ku iibsadaan Shidaalka iyo Saliida  kaliya lacagta Ruushka ee Ruble. 

Dhaqaale-yahannada ayaa sheegay in tallaabadani ay u muuqatay mid loogu talagalay in lagu soo nooleeyo lacagta Ruble, oo hoos u dhac ku yimid, ka dib Cune-qabateynada ay Reer Galbeedka saareen Ruushka. 

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post