1173 Views

Muxuu ku soo dhamaaday Kulankii Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Xildhibaanada ka soo jeeda Cadaado

Muxuu ku soo dhamaaday Kulankii Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Xildhibaanada ka soo jeeda Cadaado
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 27, 2019-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kulan la qaatay Xildhibaanada iyo Mas’uuliyiinta ka soo jeeda degmada Cadaado, iyadoo kulankan ahaa mid albaabada u xirnaa.

Kulankan oo xalay saqdii dhexe ka dhacay hoyga Ra’iisul Wasaaraha uu ka degay Cadaado ayaa waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka sare Senator Abshir Bukhaari, Xildhibaan C/raxmaan Odawaa, Xildhibaan Cabdi Saabir, sidoo kale waxaa kulanka qeyb ka ahaa Wasiirka Howlaha Guud Qoor Qoor iyo Xildhibaan Abtidoon Yare oo labaduba taabacsan Xukuumadda.

Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in la isku afgartay in arrimaha Galmudug wadatashi laga wada yeesho, oo aan la isku mucaaradin, si aayaha Galmudug meel wanaagsan loo geeyo.

Labada dhinac ayaa muujiyay sida loogu baahan yahay in lala yimaado isu tanaasul iyo waxqabad dhab ah, si dadka deegaanka loogu horseedo maamul mideysan.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xalay ku hoyday Cadaado ayaa la filayaa in maanta kulan la qaato Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, waxaana kulankan noqon doonaa mid gaar ah oo labada dhinac uga hadlaan aayaha Galmudug.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment