450 Views

Shir looga hadlayay wax ka qabashada abaaraha oo ka dhacay Baydhabo

Shir looga hadlayay wax ka qabashada abaaraha oo ka dhacay Baydhabo
____________________________________________________________________________

Axad: April 10, 2022

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo ay Wehliyaan ku Xigeenkiisa Cabduqaadir Shekh Cali Agaasimaha Guud Madaxtooyada Cabdifataax Mahad Cabdiraxmaan iyo Guddoomiyaha Maamulka Degmada Baydhabo Cabdulaahi Cali Watiin ayaa kulan looga hadlayey sidii wax looga qaban lahaa Dadka ay abaaruhu sameeyeen la qaatay Wafdi ka socday Hay,adda WFP.

Kulanka Wafdiga iyo Madaxda oo ka qabsoomay Xafiiska Agaasimaha Madaxtooyada ayaa inta uu socday waxaa warbixin ku qotonta dadaalka Hay,adda laga dhagaystay Wafdiga, waxaana ay tilmaameen inay wadaam dadaalo ay Gargaar ku gaarsiinayaan Dadka dantayar ee abaaraha saameeyey.

Agaasimaha Madaxtooyada, Wasiirka Gargaarka iyo Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ayaa Wafdiga Hay,adda WFP uga Mahadceliyey dadaalka ay ku bixinayaan ugurmashada Dadka ay abaaruhu sameeyeen waxaan ay tilmaameen ka Dowlad goboleed ahaan ay ufududeyn doonaan wax walibo oo ay ubaahanyihiin.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post