2157 Views

Soomaalida Mareykanka oo dacwad ka gudbiyay shirkada Amazon

Soomaalida Mareykanka oo dacwad ka gudbiyay shirkada Amazon
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 24, 2018 –Soomaalida dalka Mareykanka ee ku nool Magaalada Minnasota ayaa dacwad ka dhan ah Shirkada Amazon ka gudbiyay  iyagoo ku eedeeyay in ay si uun u heyb soocaan.

Dacwadaan ayey markii hore gudbiyeen shaqaalaha shirkada ee Soomaalida ah iyagoo sheegay in ay ku faquuqaan diintooda maadama sida ay sheegeen ay dul dhigeen amaro adag oo si qeyxan kaga hor imaanaya in shaqaalahooda ay salaada dukadaan xiliga ay shaqeyanayaan.

“Waxaa jira cadaadis si gaar ah shirkaan Soomaalideena u saarto mana ahan wax aan aqbali karno madama aan ku noolnahay dal xuriyada aad looga ixtiraamo, laakiin xaqiiqda ayaa ah in aan aad u baqano oo aan ku fikirno goormaad shaqadaan la idiinka ceyrin doonaa maadama ay marar badan inooga digeyn in aan dukano xiliyada shaqadana inagana aynu ka dhaga adeygnay” ayuu sheegay Maxamed nin magaciisa ku sheegay oo ka mid ah shaqaalaha soomaalida ah ee ka shaqeeya Shirkadaasi amazon.

Soomaalida qurba joogta ah ee ka shaqeysta dalalaka ay ku noolyihiin ayaa marar badan marti u noqda midab takooor.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment