1026 Views

Madaxtooyada Puntland oo beenisey warar laga faafiyey

Madaxtooyada Puntland oo beenisey warar laga faafiyey
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 7, 2020 –Labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa Baraha Bulshada ay isticmaasho lagu faafinayey warar ku saabsan in Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo kuxigeenkiisa isku ay isku khilaafeen Isku-Shaaandheyn lagu sameeynayo Golihiisa Wasiirada Puntland,hayeeshee Warkaasi waxaa beenisey Madaxtooyada Puntland.

 

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay in maalmahaaan uu maqlayey in khilaaf xoogan uu soo kala dhex-galay isaga iyo Madaxweyne Deni,hayeeshee uu sheegay in warkaasi aan waxba ka jirin.

 

 

 

Waxaa uu sheegay in dadka reer Puntland aysan dhageysan ama akhrisan dadka waxyaabaah qaar sheeg sheegaya,isla markaana qofkii lagu arko lagu ganaaxo.balse uu sheegay hadii ay dhacdo ay khilaafkooda xalisan doonaan.

 

Axmed Cimi Cismaan Karaash Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa ka gaabsadey ka hadlida wararka sheegaya in Madaxweynaha Puntland uu isku shaandhey ku sameynayo Golihiisa Wasiirada.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment