108 Views

Hanaanka Casriga ee Diiwaangalinta Xogta Talaalka Soomaaliya oo Muqdisho laga daah-furay

Hanaanka Casriga ee Diiwaangalinta Xogta Talaalka Soomaaliya oo Muqdisho laga daah-furay
____________________________________________________________________________

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa daahfurey Munaasabadda Hanaanka casriga ah ee diiwaan gelinta xogta Tallaalka Soomaaliya, kaas oo waxbadan ka qaban doono helitaanka tallaalka ay u baahan yihiin ubadkda xilli bariga Afrika laga dareyrinayo xanuunka Jadeecada, Malaariyada iyo Cagaarshowga oo faro ku haya dhallaanka bariga Afrika, iyadoo dhowaan roobab xooggan ay da’een.

Munaasabadda waxaa ka soo qeygaley Agaasimaha guud ee Wassaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaali Dr. Guuleed Cabdijaliil, xubno ka socdey Wasaaradaha Caafimaadka Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka banaadir, ku simaha Hey’adda Caafimaadka aduunka(WHO), Dr. Sandani iyo xubno kale, koox farsamo oo ka socotay HISP Tazania, Save the Children, IRC, Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed, Khuburo Caafimaad, iyo marti Sharaf kale.

Barnaamijkan ayaa ah mid muhiim u ah xogta Caafimaadka dalkeena iyo Tallaalka Ubadka, waxa uuna sahli doonaa in xogta Tallaalka loo helo si fudud oo tixraac leh iyadoo la marayo hanaanka istiraatiijiyadda loo qorsheeyey barnaamijkan cajiibka ah, waxa uuna qeyb ka yahay hiigsiga horumarinta Caafimaadka guud ee dalkeena si loo gaaro yoolka fog ee ku aadan casriyeynta Caafimaadka Soomaaliya.

Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigey daraasado laga sameeyey muhiimadda uu lee yahay Hanaankan casriga ah ee diiwaan gelinta xogta Tallaalka iyo faa’idooyinka uu si gaar ah ugu lee yahay bulshadeena, maadaama hanaanku yahay mid lagu kalsoonaan karo dhinaca ururinta xogta iyo meelaha sida gaarka ah loogu baahida qabo taasoo soo afjareysa xog hubanti la’aan ah iyo in la kala garan waayo Caruurta Tallaalka qaadatey iyo kuwa aan qaadan.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay xoogga saaraysaa islamarkaana ka go’an in dalkeenu gaaro isku filnaasho dhinaca Caafimaadka ah iyo sidii dhamaan dadka ka shaqeeya qeybta Caafimaadka Soomaaliya ay u heli la haayeen khibrad dheeri ah si ay u daboolaan baahiyaha Caafimaad ee dalkeena ka jirta.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post