750 Views

Midowga Yurub oo cunaqabateyn saaray Belarus

Midowga Yurub oo cunaqabateyn saaray Belarus
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 03, |  2020—Cunaqabateyn uu Midowga Yurub kusoo rogay Dowladda Belarus ayaa lagu wadaa in ay dhaqan gasho maanta oo Jimca ah, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay ururka.

Cunaqabateynta ayaa bartilmaameedsaneysa ilaa 40 sarkaal oo ka tirsan dowladda Belarus, balse kuma jiro madaxweyne Alexander Lukashenko, kaasoo ku adkeysanaya in uu yahay madaxweynaha sharciga ah kaddib marki ay mucaaradka ku eedeeyeen inuu ku shubtay doorashadi bishii August.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale uga digay dowladda Turkiga inuu saari doono cunaqabateyn la mid ah tan Belarus, haddii uusan Turkiga ka laaban sahminta gaaska ee badda lagu muransanyahay ee u dhaxeysa Turkiga iyo Gariiga.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale dalalka Azarbaijan iyo Armenia ugu baaqay in ay si deg deg ah u joojiyaan dagalka, isla markaana ay wada yimaadaan miiska wadahalka.



Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post