3030 Views

Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka Ee OIC Oo Berri Ka Furmi Doona Muqdisho

Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka Ee OIC Oo Berri Ka Furmi Doona Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Abriil 28, 2019 —Ergooyin ka kala socda Dowladaha xubnaha ka ah Ururkaasi ayaa la filayaa inuu berrito Shirweyne uga furmo magaalladda Muqdisho, sida ay sheegeen Ilo muhiim ah.

Inkastoo aan la shaacinin Heerka Madaxda ka qeyb geli doonta Kulankaasi, haddana waxay Ergooyinka ka wada xaajoon doonaan Ajendayaasha kala ah:  Amniga Fekerka iyo La-dagaalanka waxa loogu yeero Xag-jirayaasha.

Qabsoomida Shirka OIC ee berrito ka furmi doona magaalladda Muqdisho waxa lagu go’aamiyey Shirkii Heerka Wasiir ee Kooxda Ururkaasi ugu qaabilsan Somalia ay ku yeesheen magaalladda Muqdisho bishii October 27-dii ee sannadkii hore.

 

Shirkaasi waxaa ka soo qeyb galay xubno ka kala socda 15 Waddan oo ka tirsan Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC oo uu ka mid ahaa Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Ururkaasi, Hishaam Bin Yuusuf.

 

Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC oo la asaasay sannadkii 1969-kii, waxaa xubno ka ah 57 Dowlood oo Islaam ah, iyado oay Xarunta Dhexe ee Ururka ku taallo magaalladda Jeddah ee dalka Sacuudiga.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment