2274 Views

Duqa Muqdisho oo kala hadlay Guddoomiyeyaasha 17ka degmo Horumarinta Amniga iyo Daadajinta adeegyada asaasiga ah

Duqa Muqdisho oo kala hadlay Guddoomiyeyaasha 17ka degmo Horumarinta Amniga iyo Daadajinta adeegyada asaasiga ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 28, Maarso 2018 — Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa guddoomiyey kulanka todobaadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha 17ka degmo ee Caasimadda, waxana looga hadlay amniga, daadajinta adeegyada asaasiga ah, sidii kor loogu qaadi lahaa ololaha bilic soo celinta magaalada, u-diyaar garowga maalinta Nabadda Adduunka ee 6da bisha Abriil, hannaanka maamulka iyo caqabadaha ku xeeran.

Duqa Muqdisho oo ka tirsan Golaha Amniga Qaranka ayaa kulanka ka sheegay in maamulkiisu uu ka shaqeynayo sidii amni buuxa loogu heli lahaa Caasimadda, kaas oo horseed u yihiin guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo Taliyeyaasha ciidamadda, Shacabka dhankoodana la doonayo in ay maamulka kala shaqeeyaan arrimaha dariseynta oo qeyb weyn ka qaadan kara nabadda iyo xasilloonida.

“Waxaa naga go’an in amni buuxa ay helaan shacabka ku nool Caasimadda, si taas loo xaqiijiyana waa in bulshadu horseed ka noqoto xasillinta amniga magaalada, maamulkana kala shaqeeyaan arrimaha dariseynta oo qeyb weyn ka qaadan kara nabadda iyo xasilloonida Muqdisho.” Ayuu yiri Guddoomiyaha oo ka hadlayey kulanka guddoomiyeyaasha degmooyinka.

Madaxda Maamulka Gobolka iyo kuwa heer degmo ayaa ka arrinsaday diyaarinta goleyaasha deegaanka ee loogu diyaar garoobayo sidii looga guuri lahaa nidaamkii hore, maadaama qorshuhu yahay in dalka ay ka dhacaan doorashooyin hal qof iyo hal cod ah sanadka 2020 iyo muhiimadda ay leedahay in kaalintooda ay ka qaataan go’aan ka gaarista arrimaha masiiriga u ah dalka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa ka dhageystay warbixino ku saabsan diyaar garowga maalinta Nabadda iyo Isboortiga Soomaaliya ee 6da Abriil, Nadaafadda iyo bilicda, dakhliga, amniga iyo siyaasadda ka dhageystay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Ku-xigeennada Goddoomiyaha ee Arrimaha, Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur, Arrimaha Bulshada Marwo Basma Caamir Axmed iyo Xog-hayaha Guud ee Gobolka Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen.

gud-gol=banadir-3 gud-gol=banadir-1 gud-gol=banadir-4 gud-gol=banadir-6 gud-gol=banadir-2 gud-gol=banadir-5

.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment