912 Views

Ethiopia ayaa ku dhowaaqday xabad-joojin ay shuruud ku xiran tahay, islamarkaana mucaraadkeeda gobolka Tigray

Ethiopia ayaa ku dhowaaqday xabad-joojin ay shuruud ku xiran tahay, islamarkaana mucaraadkeeda gobolka Tigray
____________________________________________________________________________


Axad: March 27, 2022

Ethiopia ayaa ku dhowaaqday xabad-joojin ay shuruud ku xiran tahay, islamarkaana mucaraadkeeda gobolka Tigray ayaa ogoladaay inay colaadda joojiyaan haddii shuruudaha qaarkood la buuxiyo.

Tani nabad ma u dhoweyneysaa Ethiopia?

Maxaa iminka keenay?

Waxaa jiray cadaadis diblomnaasiyadeed oo caalami ah oo lagu soo afjarayo dagaalka u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka TPLF, kaasi oo socday tan iyo bishii November 2020.

Diblomaasiyiinta ayaa isaga kala gooshayey labada dhinac mudod bilo ah. Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka ee gobolka ee dhowaan la magacaabay David Satterfield ayaa Ethiopia ku sugnaa horaantii toddobaadkan.

“Waxaan u maleynayaa in cadaadiska caalamiga ah uu kaalin ka qaatay go’aankan,” waxaa sidaas AFP u sheegay Awet Weldemichael, oo ah khabiir amni oo ku xeel dheer Geeska Afrika oo ka tirsan Jaamacadda Queen’s University ee Canada.

“Ethiopia waxay wajaheysaa caqabado dhaqaale oo ka dhashay dagaalka, islamarkaana wada-xaajoodyada ayaa ka socday daaha gaadaashiisa,” ayuu yiri.

Mareykanka weli ma aysan soo rogin cunaqabatayno, hase yeeshee sharci suurta-gal ka dhigaya ayaa la dhaqaajiyey. Waxaa sidoo kale laga fakaray in la xaddido kaalmada maaliyadeed ee Ethiopia ay ka hesho deyn bixiyayaasha caalamiga ah iyo hay’adaha horumarinta Mareykanka.

Tani waxay imaneysaa ayada oo Ethiopia ay wajaheyso “mid ka mid ah xasaradihii cunno ee ugu xumaa ee muddo tobanaan sano ah” ayada oo 30% dadkeeda gaaraya 110-ka milyan ee aad ugu baahan yihiin caawimaad, ayuu yiri Rene Lefort oo ah cilmi-baare madax-banaan oo qaabilsan Geeska Afrika.

“Sidaa oo ay tahayna, Ethiopia ma wajihi karto xasarad cunno ayada oo aan helin kaalmo caalami ah,” ayuu yiri Lefort.

Kooxda TPLF ayaa sidoo kale lagu qasbay inay dib u eegto mowqifkeeda. Gobolka ay ku xoogan yihiin ee Tigray oo ku sugan wax ay QM ugu yeertay go’doon, xilli ay kusoo socoto macluul.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, ayaa dhankiisana, ka tanaasulay isku daygiisa dib u qabsasho ee Tigray, taasi oo ka careysiisay xulufadiisa gobolka Amhara, halka uu sidoo kalena ka hortagayo kacdoon iyo muqaawamonimo uga imaneysa gobolka Oromia, sida uu sheegay Lefort.

“Bilihii dhowaa waxaa jira isbeddel ku yimid ahmiyadaha Abiy Ahmed.”
Ma shaqeyn doontaa?

Ma shaqeyn doontaa?

Dowladda waxay sheegtay inay rajeyneyso in xabad-joojinta ay dedijin doonto in gargaar la gaarsiiyo Tigray, halkaas oo si aad ah looga baahan yahay cuno, shidaal iyo dawooyin.

Hase yeeshee xilligan, kolonyada gargaarka ayaa u baahnaan doona inay ka gudbaan gobolka Afar, halkaasi oo qeybo ka mid ah ay joogaan TPLF, islamarkaana mas’uuliyiinta deeganka ay diideen in gargaar loo marsiiyo Tigray, illaa mucaaradka ay ka baxaan halkaas.

“Ma hubna haddii kolonyada ay si deg deg dib ugu billaabmi doonaan,” kaliya in xabad-joojin lagu dhowaaqay, waxaa sidaas AFP u sheegay ilo-wareedyo.

Ethiopia ayaa xabad-joojinta shuruud ugu dhigtay in TPLF ay ka baxaan gobollada Amhara iyo Afar.

TPLF, ayaa dhankeedana, ogolaatay in colaadda la joojiyo kaliya haddii gargaar la gaarsiiyo Tigray.

TPLF waxaa suurta-gal ah inay tanaasul ka sameyso gobolka Afar, hase yeeshee uma muuqato inay ka bixi doonto Amhara, sida ay sheegayaan fallanqeeyayaasha.

Hase yeeshee is-mari waaga Afar wuxuu caqabad ku yahay ayada un, sida uu sheegay Lefort.

“Dowladda Afar waxyar un ayey ka maamushaa dhulka Afar. Way adkaan doontaa in laga hor-istaago shacabka, oo sidoo kale baahan, inay xanibaan kolonyada gargaarka sida,” ayuu yiri.

Kormeerayaasha ayaa sidoo kale sheegaya inaysan u muuqan in mucaaradka TPLF ee gobolka Amhara ay ogolaan doonaan in gobolkooda la marsiiyo gargaar loo sido Tigray.

Nabad ma dhowdahay?

Kooxda Eurasia ayaa sheegtay in labada dhinacba ay u arkaan in cadaadis militari uu yahay habka ay ugu guuleysan karaan is-dhiibid kahor wada-hadal kasta, xitaa haddii aanay guul buuxda aheyn hadafka.

“Xabad-joojinta, waxay ka dhigan tahay tijaabo is-aaminaad dhisid ah oo u dhaxeysa TPLF iyo dowladda federaalka, sidaas oo ay tahayna, xabad-joojin buuxda oo joogto ah ma muuqato mustaqbalka dhow, marka la eego mowqifyada adag ee labada dhinac ay ka taagan yihiin arrimaha,” ayey tiri hay’addan daraasaadka sameysa.

AFP

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post