1098 Views

Sawiro:-Wafdi ka socda Dowladda oo Shir uga qeyb-galay Masar

Sawiro:-Wafdi ka socda Dowladda oo Shir uga qeyb-galay Masar
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 16, 2020—Shirka ay yeesheen maamulada Mac-hadka Qorsheynta Dowladaha Carbeed ,loogana hadlaayey Waxqabadka Mac-hadka ee sanadkii Tagay iyo qorshaha kutalagal ee 2020-2025-ka ayaa lagu qabtay Magaalada Sharm Al-Sheikh ee dalka Masar.

 

Shirkaasi oo sidoo kale looga hadlay miisaaniyadda,waxaa ka qeybgalay Wafdi ka socday Soomaaliya oo ay Hoggaamineysay Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Hon. Fahma Ahmed Nuur.

 

 

 

Wasiir ku xigeenka ayaa qudbad ka jeedisay Shirka waxa ay uga hadashay horumarka Soomaaliya iyo Diyaarinta Qorshaha Horumarinta Qaranka oo hirgalintiisa sanadka bilaawday, Sidoo kale waxa ay sheegtay in Shaqaalaha Dowladda ay si wanaagsan ay uga faa”iideysteen Tababbarada.

 

Fahma Axmed Nuur waxay shirar gaar gaar ah la yeelatay Madaxa Mac-hadka iyo Madaxda ka kala socotay Dowladaha Carabta oo ay ka wada hadleen sidii Loo joogteyn lahaa loona kordhin lahaa Tababarada ay Soomaaliya u baahan tahay maadaama ay kasoo kabaneyso watigii adkaa ee ay soo martay.

 

Mac-hadka Qorsheynta Dowladaha Carbeed wuxuu Soomaaliya ka taageeraa tababarro dhinaca Tayeynta Shaqaalaha Dowladda

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment