2655 Views

Wasiirka Arimaha Gudaha dalka Finland oo lakulmay dhigiisa Soomaaliya

Wasiirka Arimaha Gudaha dalka Finland oo lakulmay dhigiisa Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL |  07 Oktoobar, 2017 – Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Farax Juxa ayaa magaalada Helsinki ee Dalka Findland kula kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi Mrs. Paula Risikko.

Labada Wasiir waxay kulankooda kaga wada hadaleen xiriirka labada dal, doorka qurba-joogta Soomaaliyeed ay ka qaadan karaan dib u dhiska dalka iyo geeddi-socodka barnaamijka dib-u-heshiisiinta, kaasi oo ay Dowladda Findland taageero weyn ka geysaneyso.

Beryihii la soo dhaafay ayay Wasiirada Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, Waxbarashada, Haweenka iyo la taliyayaal sare safar shaqo ku joogeen magaalada Helsinki ee Caasimadda Wadanka Filand, halkaasi oo ay kaga qeybgaleen shir looga hadlayay Arrimaha Soomaaliya.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment