1014 Views

Wado dhex marta degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley ee magaalada Muqdisho oo la saaray laami cusub.

Wado dhex marta degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley ee magaalada Muqdisho oo  la saaray laami cusub.
____________________________________________________________________________

May 4, 2021

Wadada Jaalle Siyaad loo yaqaan ee dhexmarta degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa la saaray laami cusub.

Maamulka gobolka Banaadir iyo ganacsatada iyo dadka degaanka ayaa iska kaashaday dib u dhiska wadadan oo aan wax dayactir ah helin 30-kii sano ee la soo dhaafay.

Wadadan oo dherer ahaan gaareysa ku dhowaad 4km ayaa isku xirta labada isgoys ee kala ah Xoosh iyo Danwadaagaha oo labada cirif kaga yaalla degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley.

Hareeraha wadadan ayaa waxaa ku yaalla goobo fara badan oo ganacsi iyo suuqyo waaweyn, kuwaasoo filayo in dhaqdhaqaaqa ka jira uu sii xoogeysto marka la dhameystiro dib u dhiskeeda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post