834 Views

Shirkaddaha diyaaraddaha Mareykanka oo mamuucaya in ay qaadaan qof aan xirneyn Maaskaro

Shirkaddaha diyaaraddaha Mareykanka oo mamuucaya in ay qaadaan qof aan xirneyn Maaskaro
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 03, 2020–Shirkadaha waaweyn ee diyaaradaha Mareykanka ayaa uga digay rakaabka diida inay xirtaan maaskaro in la mamnuuci karo, islamarkaana laga reebi doono duulimaadka.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in Gawaarida ay ka hor istaagi karaan qofkasta oo aan xirneyn Maaskaro in ay gudaha u galaan.

Shirkadaha diyaaradaha ee leh siyaasadaha adag ayaa waxaa ka mid ah American Airlines, Delta Air Lines, iyo United Airlines.

“Shirkadaha diyaaradaha ayaa si cad ugu sheegi doona rakaabkooda siyaasadaha shaqsiyadeed ee daboolaya wajiga ka hor duulimaadka, waxaa ku xigi doona ogeysiis leh faahfaahin gaar ah” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Shirkaddaha diyaaraddaha Mareykanka.

Waxaa ay intaasi kusii dareen” qofkaste oo kasoo bixi waaya Shuruudaha waxaa uu la kulmi doona Caqabad ay ka mid tahay in duulimaadka laga reebo”


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post