183 Views

Baarlamaanka Puntland oo Furitaankiisu Buuq Hareeyay Kadib Go’aankii Maxkamadda

Baarlamaanka Puntland oo Furitaankiisu Buuq Hareeyay Kadib Go’aankii Maxkamadda
____________________________________________________________________________

Waxaa maanta buuq baahsan uu hareeyay furitaanka baarlamaanka Puntland oo xubnahu ay isugu yimaadeen kulan looga arrinsanayo xaaladda ka taagan doorashada si gaar ah muddada xildhibaannada oo lagu kala aragti duwanyahay sii joogistooda, kadib go’aankii lagu laalay.

Waxaa socda la tashiyo arrimahaan ku aaddan go’aankii maxakamadda Dastuurigu ku diiday muddo kordhinta halka sano ah, taas ayaa waxaa saameyn ku leh go’aankii kasoo baxay isimada SSC Khaatumo ee ku aadanaa doorashada iyo sida loo maareynaayo intaba 2024.

Go’aanka oo ahaa in baarlamaanka hadda jooga ay muddo sanad ah sii joogaan isla markaana ay doortaan madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa marka la gaaro sideedda bisha Jannaayo ee nagu soo aaddan, balse go’aankaas taasi uu ka horyimid Madaxweynaha maamulka.

Kulanka la filayo in baarlamaanku yeesho maanta ayaa imaanayaa iyadoo maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland ay shalay laashay in la kordhiyo waqtiga baarlamaanka oo ku eg dhamaadka bishaan December 2023, taas oo meesha ka saareysa go’aankii Isimada Khaatumo.

Dhowaan ayey aheyd markii madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu sheegay inuu tanaasul ka sameeyay go’aankii doorasho qof iyo cod, isaga oo kulan loo dhan yahay uga dhawaaqay in la aadayo doorashada ku dhisan nidaamka qabaliga ah ee 66 xildhibaan isimadu kusoo xulaan.

______________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post