822 Views

Dowladda Soomaaliya oo Warbixin kasoo saartay xaalad ka taagan Sh/Hoose

Dowladda Soomaaliya oo Warbixin kasoo saartay xaalad ka taagan Sh/Hoose
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 20 2020–Warbixin ay soo saartay Wasaaradda gar-gaarka iyo maaraynta musiibooyinka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Kumanaan Qoys oo ku noolaa Degmada Afgooye iyo guud ahaan Gobolka Shabeellada hoose ay saamayn ba’an ku yeelatay fatahaadda Webiga Shabeelle.

Degmada Afgooye ayaa la sheegayaa in ay ka barakaceen 300 Qoys, halka Tuulooyinka Irdoole, Balbaley, Ballow, Jambaluul, Mareeray, Sabiib iyo Caanoole, ay Guryahooda ka baxeen 1500 oo Qoys.

Warbixinta ay soo saartay Wasaaradda gar-gaarka Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in 291 Qoys ay u barakaceey Degaanka Jannaale oo lafteedu ay ka taagan tahay cabsi ku aaddan fatahaadda Webiga Shabeelle inuu soo gaaro.

Dadka ku dhaqan Tuulooyinka Dagwariiri, Cadiimoole, Awdheegle, Waagaadi iyo Mishaani ayaa iyagana qaba baqdin la xiriirta fatahaadda Webiga Shabeelle.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post