1116 Views

Qalabka wax lagu eego ee James Webb oo gantaal ka qaadey dhulka si uu u qabto wajiga koowaad ee hawlgalkiisa

Qalabka wax lagu eego ee James Webb oo gantaal ka qaadey dhulka si uu u qabto wajiga koowaad ee hawlgalkiisa
____________________________________________________________________________

Sabti: December 25, 2021

  Qalabka wax lagu eego ee James Webb, ayaa gantaal ka qaadey dhulka, si uu u qabto wajiga koowaad ee hawlgalkiisa uu ku muujinayo xidigaha ugu horeeya ee iftiiiminaya caalamka.

Qalabkan wax lagu eego, ayaa ku kacaya adduun gaaraya toban bilyan oo Doolar. Qalabka wax lagu indha indheeyo, ayaa cirka sare waxaa u qaadey gantaalka Ariane.

Gantaalkan ayaa laga ganey garoonka hawada sare ee Kourou, kaasoo ku yaalla jaziiradda yar Guiana ee uu maamulo Faransiiska, taasoo dhacda xeebaha waqooyi bari ee Koonfur America.

Duulimaadkii dhul ku wareegga, ayaa la filayey inuu qaato wax ka yar nusu saac, iyadoo muujineysa caalamadda natiijada guusha, taasoo laga keenay dalka Kenya.

Enjineerada la shaqeeya wakaaladaha hawada sare ee Mareykanka, Midowga Yurub iyo Canada-ba, ayaa dhisay goob kormeerka joogtada ah oo cusub, taasoo si kastaba ha ahaatee boqol jeer ka awood badan kuwii hore.

U ganista hawada sare qalabkan wax lagu eego, ayaa aheyd in muda ah wax la sugayey, laakiin haddana waxey dadku ku beertey walaac.

Mashruucan ayaa waxaa ka shaqeynayey kumanaan dad gaaraya, oo ku kala sugan dunida dacalladeeda 30 kii sano ee lasoo dhaafey. Inkastoo la isku haleyn karo gantaalka Ariane, haddana ma jiraan wax hubanti ahmarka ay timaado gantaallada.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post