1497 Views

Muwaadin Soomaaliyeed oo dalka Konfur Afrika lagu dilay

Muwaadin Soomaaliyeed oo dalka Konfur Afrika lagu dilay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 24, 2018 –Koox Burcad Koonfur Afrikaan ah, ayaa waxa ay dalkaasi ku dileen muwaadin Somaliyed, kadib markii ay rasaas ku fureen, isaga oo ku sugan goobtiisa ganacsiga.

Allaha u naxariistee Marxuumka la dilay, ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Hillaal Xirsi Jaamac, wuxuuna dilkiisa ka dhacay Magaalada Cape Town, gaar ahaan xaafadii uu ka daganaa Magaaladaasi ee Hanover Park.

Burcadda Koonfur Afrikaanka ah ee falkaasi dilka ah gaysatay ayaa ka baxsatay goobtii ay ku dileen muwaadinka Somaliyed, iyadoo tani qayb ay ka tahay tacadiyada dadka Somaliyed ay kala kulmayaan dalka South Afrika.

Booliska dalkaasi ma jirto tallaabooyin muuqda oo ay qaadaan, marka laga reebo inay sheegaan kaliya baaris inay sameynayaan, balse waxaa sii kordhaya beegsiga gaarka ah ee lagu haayo ganacsatada Somaliyed ee dalkaasi ka dhex shaqeysata.

Muwaadiniinta Somaliyed ee dalka Koonfur Afrika ku ganacsata, ayaa si wayn uga argagaxay falka dilka ah ee muwaadinkaan loo gaystay, maadaama dhankooda cabsi ay soo food saartay.

Dilalka muwaadiniinta Somalida ayaa intooda badan ka dhici jiray tuulooyinka u dhaw Magaalada Cape Town oo Booliska aysan joogin badanaa, balse dilkaan, ayaa wuxuu ka dhacay Magaalada Cape Town.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment