1284 Views

Ma dhab baa in xoghayaha difaaca UK uu baajiyay booqasho uu Muqdisho ku imaan lahaa?

Ma dhab baa in xoghayaha difaaca UK uu baajiyay booqasho uu Muqdisho ku imaan lahaa?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Janaayo 12, 2019 – Sida uu daabacay wargeyska Caanka ah ee kasoo baxa dalka Britain ee lagu magacaabo Independent kana mid ah wargeysyada ugu afka dheer dalkaasi, waxaa booqasho uu Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho uu ku imaan lahaa baajiyay xoghaayaha Difaaca dalka Britain.

Gavin Williamson xoghaaya difaaca dalka Britain ayaa todobaadkii tagay booqashao aan hori loo sii shaacin ku tagay Magaalada Hargaysa ee Xarunta u ah Somaliland, waxa uuna la kulmay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo uu kala hadlay arrimo.

Gavin ayaa Wargeyska The Independent waxa uu baahiyay in uu doonayay markii hore in booqasho uu k tago Muqdisho balse uu booqashadiisa u weeciyay Somaliland, waxa ayna sababaha uu sidaasi u sameeyay ay ku sheegeen, ceyrinta ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe Soomaaliya u joogay Mr heysom ay ceyrisay dowladda Soomaaliya iyo tacadiyadii ka dhashay soo xiritaankii Mukhtaar Rooboow.

Dowladda Fransiiska ayaa iyadu kol sii horeysay ka hadashay in ay ka xuntahay ceyrinta Heysom balse Britain weli wax war ah kama aysan soo saarin, walloow dadka siyaasada ka faalooda ay booqashada Xoghaaye Gavin uu ku tagay Hargaysa  ay ku micneenayaan in wax xoogaa aysan ku faraxsanayen go’aanka dowladda Soomaaliya ee lagu ceyriyay Nicholas Heysom.

Ilaa iyo haatan dowladda Britain kama aysan hadal hadii xoghayahooda difaaca uu markii horeba doonyay in uu Muqdisho ka dago iyo in socdaalkiisu uu ahaa halka uu tagay ee Somaliland.

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment