669 Views

Dagaal dhimasho iyo dhaawac ka dhashay oo ka dhacay G/Bakool

Dagaal dhimasho iyo dhaawac ka dhashay oo ka dhacay G/Bakool
____________________________________________________________________________

Talaado: March 22, 2022

Waxaa faah-faahino laga helayaa dagaal ka dhacay degmada Waajid ee Gobolka Bakool, kaas oo u dhaxeeyay Ciidamo ka wada tirsan kuwa  dowladda Soomaaliya iyo kuwa DG Koofur Galbeed iyo Ururka Al-Shabaab. Iyadoo dagaalka labada dhinac uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii dagaalamayaasha Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen Saldhig Ciidamada dowladda iyo kuwa koonfur Galbeed ay ku leeyihiin degmada Waajid, waloow labada dhinac uu halkaas ku dhexmaray dagaal xoogleh.

Goob-joogayaal ayaa xaqiijiyay in ay maqlayeen daryanka hubka nuucyadiisa kale duwan oo ay isku adeegsanayeen dhinacyada, iyagoo xusay in uu jiro khasaaro kale duwan oo soo kala gaaray labada dhinac oo u badan dhaawacyo, sidoo kale dad shacab ah ayuu khasaaro ka soo gaaray dagaalka, balse si rasmi ah looma oga  inta uu la egyahay.

Dhankooda Sarkaal ka tirsan Ciidamada DFS iyo kuwa Koofur Galbeed ayaa si wada jir ah u sheegay inay ka hortageen weerar kaga yimid dhanka dagaalamayaasha Al-Shabaab kaasoo ay kusoo qaadeen degmada Waajid saldhig ah ku lahaayeen qaadeen, iyagoo xusay in dagaal ay la galeen ay khasaaro ku gaarsiiyeen oo dhimasho u badan.

Deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, waxaa ku sugan Dagaalamayaasha Al-shabaab, kuwaas oo weeraro qorsheysan kasoo kasoo qaada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post