549 Views

Kulan Looga Hadlaayay Amniga Doorashada Oo Maanta Ka Qabsoomay Kismaayo

Kulan Looga Hadlaayay Amniga Doorashada Oo Maanta Ka Qabsoomay Kismaayo
____________________________________________________________________________

Axad: December 26, 2021

Guddoomiyaha Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland SEIT Dr. Siyaad Maxamed Mursal ayaa xarunta Guddiga ee Magaalada Kismaayo kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka Booliska Jubbada Hoose iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska AMISOM.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay sugida amniga goobta lagu qabanayo doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka oo dhawaan ka dhici doonta Magaalada Kismaayo.

Taliyaha Booliska Jubbada Hoose Sadiiq Maxamed Dhogor ayaa Guddiga doorashada Jubbaland u sheegay inay ka qeyb qaadan doonaan sugida amniga goobta, isla markaana ay doonayaan in doorashada si nabad ah ku dhacdo, ayna dardar-gelinayaan sugida amniga.

Guddoomiyaha Guddiga hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland SEIT Dr Siyaad Maxamed Mursa  ayaa Taliye Sadiiq  Dhogor iyo Saraakiil ka socotay AMISOM kula dardarmay inay yeeshaan wadashaqeyn, lana sugo amniga doorashada.

Magaalada Kismaayo ee Caasimadda ku meel gaarka ah ee Jubbaland ayaa waxaa lagu wadaa in maalinta talaadada ah ee soo socota ay ka dhacdo doorashada Lix kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post