705 Views

Senator Yuusuf Geelle Ugaas Dhageey oo iska casilay kursigii Aqalka Sare ee dhowaan dib loogu doortay

Senator Yuusuf Geelle Ugaas Dhageey oo iska casilay kursigii Aqalka Sare ee dhowaan dib loogu doortay
____________________________________________________________________________



khamiis: November 18, 2021

 Senator Yuusuf Geelle Ugaas (Dhageey) ayaa iska casilay kursigii Aqalka Sare ee dhowaan dib loogu doortay isagoo doortay in uu u tartamo golaha shacabka.

Warqad uu u diray madaxweynaha Galmudug ayuu sababta uu kursiga isaga casilay ku sheegay inuu rabo in reerka uu ku matalo Baarlamaanka uu ka dhex sameeyo siyaasad caafimaad qabta sida uu yiri.

“Anigoo dareensan mas’uuliyadda iga saaran dalka, gaar ahaan Galmudug oo aan matalo iyo reerka aan kursiga xisaabtooda ku fadhiyay, anigoo raba in bulshadu kuwada qanacdo hab maamulka madaxda Galmudug, anigoo jecel in la daaweeyo dhammaan walaallaha kursigan ka dhaxeeyo, waxaan go’aansaday in aan ka tanaasulo kursigii Aqalka Sare ee dib la iigu doortay 12-kii bishii August ee sanadkan, si aan tolkeyga dhexdiisa uga abuuro jawi siyaasadeed oo caafimaad baba,” ayuu Senator dhagey ku yiri qoraalka uu isku casilay.

“Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye, guddoonka baarlamanka Galmudug iyo dhammaan xildhibaannada waxaan idinka rajeynaya in aad aqbali doontaan is-casilaadeyda iyo inaad dib ugu laaban doontan reerkii kursigan xisaabta u lahaa si loo helo xubintii buuxin laheyd booskan,” ayuu sii raaciyey.

Madaxweynaha Galmudug ayaa xalay shegay in doorashada golaha shacabka ay bilaabaneyso maalmaha soo socda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post