774 Views

Halkee ku dambaysay dhex-dhexaadintii Bulshada Rayidka ah?

Halkee ku dambaysay dhex-dhexaadintii Bulshada Rayidka ah?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 14, 2021—x Guddi ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah ayaa wajigabax kala kulmay Xafiiska Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kadib markii ay u suurto geli weysay in ay la kulmaan madaxweynaha, ballamo dhowr ah oo loo dhigay Guddiga ayaa sidoo kale waxaa adkaatay in ay fulaan.

Xubno ka tirsan Guddiga oo ayaa u sheegay Mustaqbal  in ay ku adkaatay kulanka Madaxweynaha si ay u gaarsiiyaan talooyinka bulshada rayidka ah ee sida ugu habboon ee lagu soo afjari karo khilaafkan daba dheeraaday ee la xiriira doorashooyinka, balse waxa ay sheegeen in ay la soo kulmaan dhinacyada kala duwan ayna ku dadaali doonaan in ay la kulmaan Madaxweynaha, iyaga oo dhinaca kale rajo wanaag ka muujiyey in la heli karo xal soomaaliyeed iyada oo aysan imaanin faragelin dibedda ah.

Guddigan oo ka kooban xubno magac ku leh bulshada, culumaa’udiin iyo ganacsato ayaa waxa ay isku xilsaareen in ay xal u helaan ismari waaga siyaasadeed ee doorashooyinka dalka, waxa ayna hore ula kulmeen Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha kuwaas oo ka ogolaadey in ay sameeyaan dhex-dhexaadin xal loogu helo khilaafka taagan ee hirgelinta doorashooyin la isla wada ogolyahay.

Xubnaha Guddiga dhex-dhexaadinta ayaa waxa ay sidoo kale la kulmeen Ra’iisul wasaaraha Xukuummadda Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uuna soo dhoweeyey dhexdhexaadinta ay wadaan, isaga oo ku booriyey in ay sii wadaan kullamada

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post