2244 Views

Xarunta Talo Soojeedinta Somaliyeed Oo Dowladda U Dirtay Baaq Ku Saabsan Jidadka Xiran

Xarunta Talo Soojeedinta Somaliyeed Oo Dowladda U Dirtay Baaq Ku Saabsan Jidadka Xiran
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 18, 2018 –Xarunta Talo soojeedinta Soomaaliyeed ayaa war kasoo saartay saameynta Xernaashaha Wadooyinka Muqdisho,iyo qorshaha xukuumadda ee sugida amniga,warqad furan oo ay xaruntaas la wadaagtay Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa lagu qeexay saameynta dhaqaale ee ka dhalatay wadooyinka xeran

Masuuliyiinta Xarunta talo soojeodinta Soomaaliyeed oo Suxufiyiinta lahadlay ayaa soo bandhigay aragtidooda ku aadan sida amniga loo sugi karo waxaana ay ku baaqeyn in la furo wadooyinka Muqdisho

Ambassador C/raxmaan Diinaari oo ka mid ah madaxda Xaruntaas ayaa Warbaahinta la wadaagay nuxurka warqada ay soo saareyn,isaga oo Akhriyey Warmurtiyeed ay Maanta soo saareen.

“Waxaa aad u badatay dadka Xarunta imaanaya ee ka cabanaya dhibaatooyinka ay sababeen Wadooyinka xiran,kuwas oo ganacsigooda uu saameyn ku yeeshay,waxana u sheegnay in aan la wadaageyno meelaha ku haboon sida madaxda dowladda ayuu yiri Sicdiid Qorsheel.

Aragtiyo kala duwan ayaa laga bixinayaa qorshaha Xukuumadda ee ammaanka Muqdisho,oo inta badan lagu dhaliilo mas’uuliyada wadooyinka xiran,saraakiisha dowladana waxa ay leeyihiin xernaashaha wadooyinka waxaana uga gonleenahay xaqiijinta amaanka Caasimadda.

Saciid Jaamac Qorsheel oo ah Gudoomiye kuxigeenka Xarunta Talo soojinta Soomaaliyeed ayaa ka hadlay caqabadaha muuqda ee ka dhashay waqooyinka xiran.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment