717 Views

Halis ka dhalan karta hubka nucliyeerka waa haddii Ruushka uu u isticmaalo dagaalka Ukraine.

Halis ka dhalan karta hubka nucliyeerka waa haddii Ruushka uu u isticmaalo dagaalka Ukraine.
____________________________________________________________________________

Isniin: February 28, 2022

Madaxweynaha Ruushka Putin oo Khamistii lasoo dhaafay ciidamadiisa ku amray inay howlgal ka fuliyaan Ukraine ayaa digniin u diray cid kasta oo soo faragelisa tallaabadaas, Isagoo sidoo kale shalay faray taliska militeriga Ruushka in ay “heegan khaas ah” geliyaan hubka Nukliyeerka iyo qalabka la xiriira.

“Faragelin kasta oo shisheeye waxaan u sheegeynaa haddii aad sameysaan, waxaad wajahi doontaan cawaaqib xumadii ugu weyne yd taariikhda” ayuu yiri Putin.

“Hadallada Putin waxay u muuqdaan halis toos ah oo ku saabsan Nukliyeerka” waxaa sidaas rumeysan Dmitry Muratov oo ku guuleystay abaal marinta nabadda isla markaana ah tafatiraha wargeyska Novaya Gazeta.

“Khudbadda uu ka jeediyay Putin teleefishinka, uma muuqan ninka kaliya ah ee hoggaamiyo Ruushka balse wuxuu u muuqday maamulaha adduunka, Putin wuxuu ku ag wareeganayaa hubka Nukliyeerka, wuxuu marar badan sheegay, haddii uusan jirin laheyn Ruushka, maxaan ugu baahanay dunida? cida hadalkaas u dhugatana ma jirto, balse waa digniin halis ah”

“Haddii Ruushka aan si wanaagsan loola macaamilin, waa sida uu isaga rabo, marka wax kastana waa in la burburiyaa” ayuu yiri Dmitry Muratov.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post