750 Views

Isbarbardhig lagu sameeyey Mugabe iyo Trump

Isbarbardhig lagu sameeyey Mugabe iyo Trump
____________________________________________________________________________

Qaar ka mid ah dadka barta Twitter-ka ayaa si weyn uga cadhooday qoraal uu soo qoray sarkaal hore oo Mareykan ah oo isbarbardhigaya madaxweyne Donald Trump iyo hogaamiyihii hore ee Zimbabwe Robert Mugabe, kadib markii uu ka hadlay hadaladiisa ku saabsan wax isdabamarinta, caddeyn la’aan, doorashadii Mareykanka.

Samantha Power, oo ahayd safiirka UN-ka ee maamulkii Madaxweynihii hore Barack Obama, ayaa barteeda Tweeter-ka ku soo qortay in Mr Trump uu ku socdo noqoshada “Robert Mugabe”.

Mugabe wuxuu xukumayay Zimbabwe 1980 ilaa afgembi looga tuuray sanadkii 2017. Joogitaankiisa xafiiska tobaneeyo sano waxaa dhacay doorashooyin ay hadheeyeen eedeymo baahsan oo musuqmaasuq ah.

Qoraalka Ms Power ayaa la soo diray daqiiqado ka dib markii Mr Trump uu qabtay shir saxaafadeed khamiistii, halkaas oo uu ku eedeeyay fursadihiisa sii yaraanaya ee dib u doorashada markale codadka si sharci daro ah loo dhiibtay.

Waxaa si weyn loogu dhaleeceeyay faallooyinka iyada oo dad badani leeyihiin waxa uu dhaleeceynayaa nidaamyka dimoqraadiyadda Mareykanka.

Laakiin qaar ka mid ah Afrikaanka barta Twitter-ka waxay u maleeyeen isbarbardhigga inuu yahay hab ay Mareykanku farta ugu fiiqayaan kuwa kale halkii ay ka hadli lahaayeen dhibaatooyinka ka jira dalkooda.

Waa kuwan qaar ka mid ah:

Waayo ku suntan taariikhda Mugabe

1924: Wuu dhashay, markii dambena macalin buu noqday

1964: Waxa xidhay xukuumaddii Rhodesia

1980: Wuxu ku guulaystay doorashadii ugu horaysay xorriyadii ka dib

1996: Wuxu guursaday Grace Marufu

2000: Wuxu ku guul darraystay afti, maleeshiyaad taageersan Mugabe ayaa xoog ku qabsaday beero caddaanku leeyihiin taageerayaasha mucaaradkana weeraray

2008: Wuxu kaalinta labaad ka galay wareegii koobaad ee doorashada oo Tsvangirai ku horeeyey, hase yeeshee uu qaadacay markii dame iyadoo weerarro lagu qaaday taageerayaashiisa dalka oo dhan

2009: Iyadoo dhaqaaluhu dumay ayuu Tsvangirai u dhaariyey ra’isal wasaarenimo oo xukuumad midnimo qaran ah oo aan is ogolan ay ku wada jireen afar sano

2017: Wuxu eryay jaalkiisii mudada dheer oo ahaa madaxweyne ku xigeenkiisa Emmerson Mnangagwa isaga oo dhabbaha u xaadhaya xaaskiisa Grace si ay xilka ugala wareegto.

Noofember 2017: Ciidanka dalka aya farogeliyey siyaasadda oo ku khasbay inuu is casilo.

Zimbabwe oo ahayd dalka ugu weyn ee cuntada soo saara Afrika waxay dhakhso isugu bedeshay dal ku tiirsan gargaar shisheeye oo lagu quudiyo dalkeeda.

Sannadkii 2000 dorashooyinkii baarlamanka xisbiga MDC wuxu 57 ka helay 120 kursi oo aad loogu codeeyey, inkasta oo markii dambe 20 kursi ay heleen dad Mugabe magacaabay sidaana uu xisbigiisa Zanu-PF ku helay aqlabiyadda.

Laba sano ka dib doorashadii madaxweynaha ayaa Mugabe ka helay 56.2% halka uu Tsvangirai ka helay 41.9% iyadoo loo caga-juglaynayey taageerayaasha MDC. Dad badan oo miyiga degan ayaa loo diiday in ay codkooda dhiibtaan oo hore looga xidhay goobihii codbixinta.

Dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurubayaa iyaguna sida MDC oo kale aan aqoonsanin wixii ka soo baxay doorashada maadaama oo doorshada ay hadheeyeen qalaase iyo eedo musuqmaasuq ahi, waxaanay Mugabe iyo Zimbabwe ba sii galeen go’doon sii kordhaya.

Ururka dalalka baraaqo sooranka ayaa sidoo kale Zimbabwe ka joojiyey inuu ka qayb galo shirarka ururka ilaa iyo inta ay hagaagayso dimuqraadiyaddiisu.

Sannadii 2005 ayaa Mugabe wuxu bilaabauy olole loo bixiyey Soo Celinta Kala Dambaynta oo gacan adag lagu saaray suuqa madow iyo waxa lagu sheegay “qas guud” oo dalka ka jiray.

Qiyaastii 30,000 oo wadhato ah ayaa la xidhay waxaana la dumiyey xaafadaha isku raranta ah ee dalkoo dhan ku yaallay, taas oo dhalisay in 700,000 oo qof oo reer Zimbabwe ahi barokacaan.

Shan arrimood oo ku saabsan Robert Mugabe

Robert Mugabe wuxu ahaa nin aan raaxo jeclayn oo ku lebista dhar aan qaali ahayn isla markaana aan cabin khamriga. Saaxiibadii iyo kuwa ay is hayaanba il shaki leh ayuu ku eegi jiray arintaas oo aan waxba ka sokayn inuu noqdo qof baqe aan jirin qaba.

Wuxu ahaa nin lagu amaano inuu ahaa geesiyadii halgankii Afriki heeryadii gumaysiga iskaga tuurtay hase yeeshee wuxu isku rogay kelidii-taliye ku tuntay xquuqda aadanaha dal mar barwaaqo ahaana ka dhigay goob macaluuli kuudaddo.

Soo yaalkiisu waxa suurto gal ah inuu sannado badan sumcadda Zimbabwe cabmaar ku ahaado.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post