1038 Views

Kulan deg deg ah oo dhuusamareeb uga socdo Hoggaanka Ahlusunna

Kulan deg deg ah oo dhuusamareeb uga socdo Hoggaanka Ahlusunna
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 09, -2019 —Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale ayaa waxaa ay gaareen degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan halkaas oo maalma ka hor uu ka dhacay dagaal khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah geystay.

 

Degmada Jalalaqsi ayaa waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyey Ciidamada Jabuuti ee howlgalka AMISOM iyo kuwa Booliska Hir-Shabeelle ,kuwaas oo isku khilaafay in hawada laga saaro Isgaarsiinta Magaalada xilli howlgal Miina baaris ah ay wadeen Ciidamada Jabuuti.

 

 

 

Wararka aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayan in haatan Guddoomiye Caraale iyo Saraakiisha Ciidamada Jabuuti & Mas’uuliyiinta Maamulka degmada uu kulan uga socdo Xerada Ciidamada AMISOM ee degmada Jalalaqsi.

 

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa sidii xal looga gaari lahaa xiisada ka dhex-taagan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Maamulka degmada Jalalaqsi ee gacan ka hadalka sababta iyo sidii ay markale u soo noqon laheyn.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment