681 Views

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo gaaray Dhuusamareeb

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo gaaray Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 02, 2021–Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdishu Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay gaareen Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb waxaa eafdiga guddoomiyaha kusoo dhaweeyay  Madaxweynaha Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo mas’uuliyiin kale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa Magaalada Dhuusamareeb uga qeyb-geli doona shirka wadatashiga Madaxda dowladda, Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Magaalada Dhuusmareeb ayaa ku sugan Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda dowlad Goboleed, Hir-Shabeelle Koonfur Galbeed, Jubbaland & Galmudug oo shirka marti-gelineysa halka saacadaha soo socda uu tegi doono Madaxweynaha Puntland.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post