1119 Views

Wadooyinka qaar ee Muqdisho oo Maanta xiran

Wadooyinka qaar ee Muqdisho oo Maanta xiran
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 1, -2019 —Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xireen qaar kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee Magalada muqdisho, iyaga oo u diidaya Gaadiidka daweynaha iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay iyo Mooto Bajaajta inay wadooyinka qaar  isticmaalaan.

Wadooyinka muhiimka ah ee Maanta xiran ayaa waxaa kamid ah qeybo kamid ah wadada Maka-Almukarama,Wadooyinka soo gala degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi iyo Wadada Isgoyska Jubba, iyada oo lagu arkayo Ciidamada Dowladda oo u diidaya isticmaalka gaadiidka kala duwan.

Sababaha Maanta loo xiray wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in saacadaha soo socda uu Magaalada Muqdisho ka furmayo Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya,waxaana ka qeyb-geli doona in ka badan 50 Dowladood oo dhammaan taageera Soomaaliya.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada ay inta badan fasaxayaan Basaska wada Ardayda Iskuulada u socda iyo gawaarida lagu wado dadka xanuunsan, hayeeshee Gaadiidka caadiga ah ee dadweynaha loo diidayo inay wadooyinka qaar maraan.

Maalinta Berrito ah oo shirkaasi la soo geba-gabeyn doona ayaa la filayaa in si lamid ah sida Maanta in wadooyinka ugu muhiimsan ee Muqdisho loo xiro, iyada oo ay shirkaasi Berri ku biiri doonaan Madaxweynaha & Ra’iisul Wasaaraha.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment