720 Views

Muuse Biixi oo ka hadlay khilaafka la xiiriira doorashooyinka Somaliland

Muuse Biixi oo ka hadlay khilaafka la xiiriira doorashooyinka Somaliland
____________________________________________________________________________

Talaado: June 14, 202

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay markiisii ugu horreysay khilaafka xoogeystay ee ka dhex taagnaa Xukuumadiisa iyo Xisbiyada Mucaaradka maamulkaas, isagoo sheegay inuu jiro cabasho ay qabaan xubnaha mucaaradka, taasi oo la xiriirta doorashada madaxtinimo ee Somaliland.

Wuxuu sheegay in Xisbiyada mucaaradka ay Xukuumadda uu hoggaamiyo iyo Xisbiga uu ka tirsan yahay ee Kulmiye loo jeedinayo eedeymo badan oo culus, isagoo xusay in xubnaha mucaaradka ay xaq u leeyihiin inay Xukuumadiisa ay ku dhaliilaan wax sharci ah.

Sidoo kale, Madaxweyne Muuse Biixi oo sii hadlayay ayaa sheegay in ay xaq u leeyihiin xubnaha Xisbiyada Mucaaradka inay ka dhageystaan eedeymaha ay usoo jeedinayaan Xukuumadiisa, balse wuxuu xusay in muwaadin kasta uu xaq u leeyahay in uu banaanbaxo oo uu fikirkiisa ku cabiro isku soo bax, Qoraal ama Sawir, laakiin loo baahan yahay in loo maro xeerarka jira, si loo ilaaliyo Amniga inta ay socdaan banaanbaxyada.

Madaxweynaha Somaliland ayaa carabka ku dhuftay in Xukuumadiisa Xubnaha Xisbiyada mucaaradka ay ku eedeeyeen in ay dooneyso muddo kororsi, isagoo hadalkaas kaga jawaabay in uusan laheyn awoodaas, balse diyaar uu u yahay in doorashooyinka wakhtigooda ay ku dhacaan.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in Xukuumaddiisa aysan diidaneyn dibadbaxyo laga dhigo Somaliland, laakiin looga baahan yahay cidkasta oo dibadbax abaabuleysa inay codsi u soo gudbistaan, maadama Xukuumadda uu Madaxweynaha ka yahay ay mas’uul ka tahay sugida Amniga Guud ee Somaliland.

Hadalkaan ayuu Madaxweyne Muuse Biixi ka sheegay shir uu magaalada Ceerigaabo ee gobolka sanaag kula qaadanayay Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada magaaladaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post