858 Views

UNHCR oo ka hortimi heshiiska dhexmaray UK iyo Rwanda ee la xidhiidha qaxootiga

UNHCR oo ka hortimi heshiiska dhexmaray UK iyo Rwanda ee la xidhiidha qaxootiga
____________________________________________________________________________


khamiis: April 14, 2022

Hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa ka hortimi go’aanka ay qaadatay dawladda Ingiriisku ee ay dadka magan-gelyo doonka ah ugu dhoofinayso dalka Rwanda, si halkaas looga bilaabo dacwadohooda. Hay’adda UNHCR ayaa ugu baaqday dalka Ingiriisku inuu ka laabato qorshahan.

Gillian Triggs oo ah kaaliyaha wakiilka sare ee qaabilsan ilaalinta ee hay’adda UNHCR ayaa yidhi “UNHCR waxay si adag uga soo horjeedaa qorshaha lagu doonayo in qaxootiga iyo magangelyo-doonka loogu wareejiyo waddamo saddexaad iyada oo aanay jirin habab ku filan oo lagu ilaalinayo bedqabkooda. Nidaamyadan oo kale waxay si fudud u beddelaan mas’uuliyadaha magan-gelyada. Waxay ka baxsanayaan waajibaadka caalamiga ah, waxayna ka soo horjeedaan warqadda iyo ujeedooyinka Axdiga Qaxootiga” ayuu yidhi.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu raaciyey “Dadka ka cararaya dagaallada, colaadaha iyo cadaadisku waxay mudan yihiin in loo muujiyo naxariis. Waa inaan sida badeecadaha oo kale debedda loo dhoofin si halkaas loogu soo farsameeyo” ayuu yidhi.

UNHCR ayaa ku boorisay labada dal ee Ingiriiska iyo Rwanda inay dib uga fekeraan qorshahoodan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post