945 Views

Guddoomiye ku xigeenka waaxda Liiqliiqato ee degmada Kaxda oo caawa dad ku laayay Degmadaas.

Guddoomiye ku xigeenka waaxda Liiqliiqato ee degmada Kaxda oo caawa dad ku laayay Degmadaas.
____________________________________________________________________________

.

Jimco: October 15, 2021

Wararka ka imaanaya caawa degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in masuul ka tirsan maamulka degmadaas uu saddex qof oo shacab ah dilay.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in Masuulkan dadka laayay uu madax ka yahay waaxda Liiqliiqato ee degmada Kaxda.

Wararka ayaa sheegaya in dadkaan uu caawa rasaasta ku furay ay joogeen goob maqayad ah, waxaana la sheegay in dadkaas ay soo gaareen dhaawacyo Culus, waxaana lagu magacaabaa Cabdi-waduud Sheekh Maxamed Macalow, Mas’uulka caawa dadka ku laayay waaxda Liiqliiqato ee degmada Kaxda.

Sidoo kale Qof ku sugnaa goobta ayaa sheegay in sarkaalkaan oo ku hubeysnaa Bistoolad uu rasaas ku furay dadkaas oo hal goob ku sugnaa, waxaana yar faah-faahinta ilaa hadda laga helay sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dhacdadaan.

Taliyaha booliska degmada Kaxda oo lagu magacaabo Macalin Faarax iyo ciidamada ammaanka ee degmadaas ay soo qabteen sarkaalkii geystay toogashada caawa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post